Sawirro:-Madaxweynaha Jubbaland oo kulamo ka wada Dhoobley

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kulan la qaatay Odayaasha dhaqanka Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Kulankan oo ka dhacay beerta Nabada ee Magaalada dhoobley ayaa waxaa Madaxweynahu uu Odayaasha dhaqanka ka dhagaystay aragtiyadooda la xiriirta sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta Bulshada iyo Dowlada iyadoo Odayaashu ay Madaxweynaha ku bogaadiyeen dadaalka Dowlada ee Howlgalada dib u xoraynta ah ee Gobolka ka socda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismahii Jubbaland iyo bilowgii dagaalkii Al-Shabaab lagaga saaray qaybo badan oo Jubbaland kamid ah ay udub dhexaad u ahayeen Odayaasha dhaqanka isla markana ay wax badan oo wanaagsan usoo qabteen deegaanka.

Waxaa Madaxweynahu u sheegay in mar walba loo baahan yahay doorkooda nabadaynta iyo isku haynta Bulshada ah taas oo dadka Soomaaliyeed ay caan ku yihiin.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media