Wasaaradda Caafimaadka iyo Darueelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inuusan jirin heshiis shaqo iyo mid howlgalin oo Wasaaradda kala dhexeeya Isbitaalka Yardimeli ee ku yaalla Magaalada Muqdisho.
War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka iyo Darueelka Bulshada ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in hayโadaas shaqada ay ka wado Isbitaalka Yardimeli iyo howlaha caafimaad ee kale ay yihiin howlo baal-marsan sharciga iyo qawaaniinta dalka u dagan.
Sidoo kale Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in dadka u bareera jebinta sharciga u yaalla dalka laga qaadi doono tallaabo adeg oo sharciga waafaqsan.
Isbitaalka Yardimeli ee ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa waxaa gacanta ku heysa hay’ad Turkiga, waxana Isbitaalkaas ka howlgala Khaqaatiir Ajaanib ah oo u dhashay dalka Turkiga.
Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda.