Wa-Saxaafadeed Caawa kasoo baxay Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa dalka looga mamnuucay Shirkadda Sahan Research oo ka mid ah Shirkadaha ka howlgalla dalka Soomaaliya.
Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Amniga ayaa waxaa lagu sheegay in kadib xogo rasmi ah oo ay soo gudbiyeen Hay’adaha Aamniga Shirkadaas la ogaaday in ay wado waxyaabo lidi ku ah amniga iyo Qaranimada Soomaaliya,isla markaana la joojiyay inay dalka ka Shaqeeyso.
Amarkaan oo la ogeysiiyay dhamaan Hay’adaha dowladda ayaa waxaa sidoo kale la faray dadka xiriirka la leh shirkadaas inay joojiyaan wadashaqyenta kala dhaxeyso ilaa iyo inta baaritaano lagu haato uu kasoo dhamaanayo.
Shirkadda Sahan Research ayaa ah mid Cilmi baaris ka sameysa Soomaaliya,waxana madax ka ah Matt Bryden oo hore uga tirsanaa kooxda Kormeerayaasha QM ee Soomaaliya
Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Amniga Soomaaliya.