Gabadhii sida xun ula dhaqantay dhibbane Khadra oo shaqadii laga Eryey

Shir ay isugu yimaadeen Maamulka iyo Takhaatiirta isbitaalka xamarjajab ayay  ku go’aamiyeen in ay shaqada ka eryaan Shukri Maxamed Cabdi oo ahayd howlwadeenkii caafimaad ee sida xun ula dhaqantay gabadhii foosha u tagtay xaruntooda caafimaad ee Xamarjajab.

Maamulka iyo khaqaatiirta ayaa sheegay in isbitaaka u furan yahay dawaynta dadka dhibaataysan, iyadoo aanay jirin wax lacag ah oo ay dadka caafimaadka u imaanaya ay ku xiraan.

Waxaa ay sheegeen in Khadra oo ahayd gabar dhibane ah oo mudnayd in la caawiyo uu maamulka Isbitaalku u fidiyay gargaar isla markaana uu geeyay isbitaal kale si loogu baxnaaniyo iyada iyo ilmaha yar ee ay dhashay.

Mas’uul u hadlay Shirka ka dib maamulka isbitaalka Xamarjajab ayaa  sheegay in falka foosha xun ee ay Shukri Maxamed kula kacday dhibane Khadra ay tahay mid ka madaxbanaan dhaqanka iyo xeerka Isbitaalka, waana sababtaas mida  howlwadeenkaasi caafimaad ay shaqadeedii ku waysay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media