Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Caadil AL-jubayr ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirka Caalamiga ee Ammaanka ee ka dhacay magaalladda Munich ee dalka Jarmalka, wuxuuna ku eedeeyey Dowladda Iiraan inay maalgeliyaan Xuutiyiinta Yemen iyo inay taageeraan Dowladda Syria.
Wasiirka waxa uu Dowladda Iran ku sifeeyey dalka ugu weyn ee maalgeliya Argagixisadda iyo Deganaansho La’aanta Bariga Dhexe.
Dhinaca kale, Wasiirka Difaaca ee Yuhuudda, Avigdor Lieberman ayaa isagana sheegay in Hadafka Dowladda  Iiraan yahay sidii ay Dowladda Sacuudiga u naafayn lahayd, wuxuuna ku baaqay inay Dowladaha Carabta iyo Yuhuudda yeeshaan Wada-xaajood looga hortago Kooxaha Xag-jirka ee ka hawlgala Gobalka Bariga Dhexe.
Eedeymahan loo jeediyey Dowladda Iiraan ayaa yimid, kadib, markii uu Wasiirka Arrimaha Dibedda Iiraan, Maxamed Javad Shariif ka codsaday Dowladaha Gacanka Carabta inay Dalkiisa kala shaqeeyaan sidii loo yarayn lahaa colaadaha ka aloosan Bariga Dhexe.
©Radio Dalsan