Dowladda oo War kasoo saartay Duqeyn kale oo la fuliyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixiysay duqeyn diyaaradeed oo saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka dowladda iyo AFRICOM ay ka fuliyeen Gobolka Jubbda Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday meel u dhaw deegaanka Dujuuma lagu dhaawacay xubno ka tirsan Al-shabaab, isla markaana lagu burburyay xarun halkaas ay ku lahaayeen.

Shalay ayay aheyd markii dowladda sheegtay in duqeyn laga fuliyay Gobolka Jubbada Dhexe lagu dilay xubno ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab.

Hoos ka Akhriso qoraalka kasoo baxay dowladda Federaalka.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaysa Ciidanka Mareykan ee taliska fadhigiisa Afrika (AFRICOM) ayaa duqeyn ka fuliyay meel u dhaw magaalada Dujuuma ee Soomaaliya.

Duqeyntan oo ahayd mid qorsheysan ayaa lagu dhaawacay saddex xubin oo ka tirsan Al-shabaab, islamarkaa lagu burburiyey xarun Al-shabaab oo halkaa lagu ogaa waa sida hadalka loo dhigay.

DFS iyo Ciidanka AFRICOM ee Mareykan ayaa qaadaya tallaabooyin dheeri oo laga taxadarayo waxyeellada shacabka inta lagu gudajiro ladagaalanka Al-shabaab iyada oo si buuxda loo baarayo eedo walba oo soobaxa Imankadan la joogo ma jirto cid rayid ah oo wax ku noqotay hubintii la sameeyey weerarkan isaga ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media