Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faah faahisay duqeyn diyaaradeed oo saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka dowladda iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ay ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Hoose.
War qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta oo aheyd labo ay ka dhaceen nawaaxiga deegaanka Kuunyabarrow ee Gobolka Shabellada hoose.
Sidoo kale qoraalka dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta lagu dilay xubin kamid ah dagaalamayaasha Al-shabaab, halka laba kalen lagu dhaawacay, kuwaasi oo ku sugnaa nawaaxiga Kuunyabarrow.
“Hubin ay sameeyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa tibaaxaya in cid shacab ah aysan waxba ku noqon duqeymihii shalay laga fuliyay Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri Qoraalka dowladda.
Ciidanka dowladda iyo Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa sanadkaan 2020 duqeymo dhowr ah ka fuliyay deegaano ay ku sugan yihiin Al-shabaab, waxaana duqeymaha qoorkood lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.