Dowladda oo u hanjabtay dadkii ku lugta lahaa dagaalkii Xabsiga Dhexe

Siihayaha Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay dagaalkii shalay Xarunta xabsiga dhexe ee Xamar ku dhexmaray Maxaabiis ku jirta xabsiga iyo Ciidanka Ilaalada ka haayay halkaas.

Wasiir Xasan Xueen oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxaa uu sheegay inay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan oo lagu ogaanayo sababtii ka dambeysay weerarkii ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo bogaadiyay kaalinta ciidamada ammaanka ay ka geysteen soo afjarida howlgalkaas.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen lix ka mid ah kuwii falalka amni darro ka geystay gudaha xabsiga dhexe, kuwaasi oo haatan ay ku socooto baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo sababta ka dambeysay weerarkii shalay.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Cadaalada ayuu tilmaamay in cid kasta oo fududeysay sidii maxaabiista ku heli lahaayeen hubka sharciga la horgeyn doono, isla makaana tallaabo adeg la qaadi doono.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan baaritaannada scocda wixii ka soo baxa, waxaana uu ciidanka kula dar daarmay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media