Guddoomiye caawa lagu dilay Baladweyne

Gudoomiye ku Xigeenkii Xafada Xaawo Taako  Jeelle Gaarane Cabdulle ayaa kooxa hubaysani waxaa ay  ku dileen Magaalada baladweyne ee Xarunta Goboka Hiiran.

Dabley hubeysan ayaa sida la sheegay waxaa ay dileen Guddoomiyaha xili uu ku sugnaa Nurxawaad oo ah laan ka mid ah xaafadda Xaawo taako.

Dilka kadib ciidanka ammaanka ayaa soo gaaray halka uu dilka ka dhacay waxaana billaabeen howl gallo lagu baadi goobayo dableydii falka gaystay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Gobalka Hiiraan oo ay kaga hadlayan dika ka dhacay Baladweyne, sidoo kale ma jirto cid sheegatay Ma’uuliyadda dilka loo gaystay Jaalle Gaarane Cabdulle.

Magaalada Baladweyne ayaa waxaa tiro dhowr jeer ah waxaa ka dhacay falalka noocaan oo kale ah ee loo gaysto mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulka degmada iyo sidoo kale  saraakiisha ciidanka, waxaana intabadan lagu eedeyaan in ay ka danbeyaan falalkaas Al-shabaab, walow aysan sheegay falkaaan cawa ka dhacay Baldweyne.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media