Dowladda oo sheegtay inay fulisay howlgal lagu soo furtay Caruur badan

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya  gaar ahaan ururka 143-aad ee guutada 14 October ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyay tuulooyin hoostega deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14 October Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo hogaaminaayay howlgalka ayaa u sheegay warbaahinta ku dadasha Afka dowladda inta uu socday howlgalka inay ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab oo gaaraya 16 dagaalame, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad waxa uu sidoo kale sheegay in Howlgal Ciidamada ay kusoo bad baadiyeen Caruur ay Al-shabaab u tababarayeen Qaraxyada, sidaas ayuu sii raacsiiyay hadlkiisa Taliyaha Ururka 143-aad ee Guutada 14 October.

Taliyaha oo ka hadlayay Caruurta ay Al-shabaab kasoo furteen tiradooda  ayaa ku sheegay in ay Gaarayaan 40 isagoona xusay in Al-shasbaab ay Caruurtaan kasoo Afduubteen qaar ka mid ah Gobolada Dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media