Dad Careysan oo Banaanbaxyo ballaaran Maanta ka dhigay Gedo

Waxaa Maanta inta badan Demooyinka Gobolka Gedo ka dhacay banaanbaxyo ballaaran oo looga soo horjeeday dhibaatooyinka Ciidanka dowladda Kenya ay dhaceen Gobolkaas ee Koonfurta Soomaaliya.

Boqlaal dad shacab ah oo isugu jira dhalinyaro, Caruur, Haween iyo Odayaal ayaa barqanimadii Maanta isugu soo baxay bartamaha degmooyinka Gedo qaarkood, iyagoo aad uga careysnaa tacadiyadii Ciidanka Kenya u geysteen dad shacab ah.

Guddoomiyaha degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo Axmed Barre Sheekh ayaa Dalsan u sheegay in dadka deegaanka ay dhigeen banaanbax ay ku muujinayeen darreenkooda ku aadan sida ay uga xun yihiin wixii ka dhacay Degmada Ceel-waaq.

Sidoo kale Guddoomiye Axmed Barre ayaa waxaa uu tilmaamay in banaanbaxyada degmadiisa ay uga dhaceen si nabad ah, isla markaana uusan jirin wax rabsho oo ka dhashay banaanbaxa.

Wararka aan ka heleyno Gobolka Gedo ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta xaaladda degmooyinka Balad-Xaawo, Baardheere iyo Ceel-waaq ee Gobolkaas ay aad u kacsan tahay, dhammaan dadka halkaas ku sugana ay kasoo horjeedan dhibaatooyinkii ugu dambeeyay ay Ciidanka Kenya geysteen.

Ciidanka Kenya ayaa maalmihii lasoo dhaafay dad shacab ah oo aan waxba galabsan ku dilay Magaalada Ceel-waaq, iyagoo sidoo kalena afduubtay dad kale, waxaana dhibaatooyinkaas si kulul uga hadlay Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media