Dowladda oo magacaawday Guddiga dib u howlgelinta Shirkaddii Somali Airlines

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Fardowsa Cismaan Egal ayaa Maanta magacaawday Guddiga dib u howlgelinta Shirkaddii Somali Airlines.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Fardowsa Cismaan ayaa lagu magacaabay Guddiga dib u howlgelinta Shirkaddii Somali Airlines, kuwaasi oo ka kooban 7-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Cali Gacal Caddow.

Magacaabista Guddigaan ayaa ku timid sida lagu caddeeyay wareegtada,  kadib la-tashiyo badan oo ay sameeysay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, isla markaana lagu go’aamiyey dib u howlgelinta Shirkaddii Soomaali Airlines.

Dib u haowlgalinta Soomaali Airlines ayaa Soomaaliya uga dhigan guul wayn, iyadoona 30 sanno ee u dambaysay ay hawlgab ahayd diyaaraddu, taas oo meesha ay ka saareen dagaaladii Sokeeye ee dalka ka qarxay.

Hoos ka Akhriso wareegtada magacaabista 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor