Dowladda oo ka hadashay Duqeyn Cusub oo laga fuliyay Sh/Hoose

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa ka hadlay duqeyn dhinaca Cirka oo saacadihii lasoo dhaafay laga fuliyay agagaarka degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in duqeynta oo ka dhacday agagaarka degaanka Janaale lagu dilay Afar xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo ku sugnaa halkaas.

Qoraalka ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in howlgalka duqeynta ahaa ee laga fuliyay Gobolka Shabeellaha Hoose aysan waxyeelo kasoo gaarin dadkii shacab ah ahaa goobta ka Agdhawaa.

“Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa ka fuliyay aagga degaanka Janaale duqeyn diyaaradeed oo bartilmaameedkeedu ahaa xubno ka tarsan Al-shabaab, waxaana duqeyntaas lagu dilay afar(4) ka tirsan Al-shabaab” ayaa lagu yiqi qoraalk kasoo baxay dowladda.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa duqeymo dhowr ah ka fuliyay deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, iyagoona sheegay in duqeymaha lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media