Dowladda oo Caawa ka hadashay Rajada Shirka Madaxda ee Afisyooni

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay go’an tahay, kuna dadaalayso sidii uu u miri dhali lahaa Shirka Madaxda dowladda, kuwa maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka ee maalmo kahor uga furmay Tendhada Afisyooni ee Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada xil-gaarsiinta Cisman Abukar Dubbe oo Caawa la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa u sheegay in rajada shirka laga qabo ay tahay in uu ku dhamaanayo isfahan buuxa 100%.

Shirka Madaxda dowladda iyo kuwa maamulada oo socday sabtida iyo Axadda ee todobaadkan aya shalay hakad galay, hayeeshee Maanta ayaa lagu waday inuu dib  u bilowdo, balse dib u dhac ayaa ku yimid, sababo la xiriirka Safarka Madaxweyne Axmed Qoorqoor.

Shirkaas ayaa waxaa uu hordhac u yahay Shirka guud ee Madaxda ee maalmaha soo socda yeelan doonaan, waxaana shirkaan maalmihii uu socday kusoo dhamaaaday natiijo la’aan, iyadoona loo balansan yahay maalinta berri.

Hadalka Wasiir Cismaan Abuukar Dubbe ayaa kusoo aadaya, iyada oo Beesha Caalamka goorsii horreeysay oo Caawa ay Madaxd ugu baaqday inay doorashada dalka ka dhaceysa ka heshiyaan kahor Bisha barakeysan ee Ramadaan, iyagoona rajo wanaagsan ka muujiyay Shirka soo socda.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor