Dowladda Kenya ayaa digniin adag u dirtay cid kasta oo taageero u fidisa ama caawisa dagaalamayaasha Al-Shabaab, sida lagu sheegay Digniin ay soo saartay Dowladda Kenya.
Isku-duwaha laamaha ammaanka ee Gobolka waqooyi bari Kenya, Nicodemus Ndalana ayaa sheegay in dowladdiisu sida Al-Shabaab oo kale ay u aragto Qof kasta oo la shaqeeya Shabaab, sidaas awgeedna ay isku si ula dhaqmayaan, tallaaba adagna ay ka qaadi doonaan.
Dhanka kale, Nicodemus Ndalana ayaa u mahadceliyay shacabka laamaha ammaanka u soo gudbiyay xog ku saabsan waxyaabaha ay ka shakiyaan, taas oo fududeysay in laga hortago weerarro qorsheysan oo ay geystaan Al-shabaab.