Gervinho oo seegaya kulanka parma

Roma ayaa axadda marti gilineysa Parma waxa uuna kulankaas uu qeyb ka yahay wareegga 23-aad ee horyaalka Talyaaniga

Waxaana kulankaasi seegi doona weeraryahankooda gervinho

Gervinho ayaa qarankiisa dhawaan la qaaday koobka qarmada africa oo ay ka qaadeen Ghana

Ilo wareedyo laga helayo Talyaaniga ayaa sheegaya in laga yaabo in Gervinho uu ka maqnaado kulanka Roma ay la leeyihiin Parma kaasi oo qeyb ka ah horyaalka Talyaaniga .

Tutto Mercato Web ayaa sheegaya in xiddigaan uu ka maqnaaday tababarkii maanta ee kooxda ee ay ugu diyaar garoobayaan kulankaas waxaana u sabab u ah isaga oo ka dib dhacay waqtigii dulimaadkiisa France uu ku imaan lahaa oo uu ka dib Italy uga sii gudbi lahaa.

Roma ayaa haatan ku jirta booska 2-aad iyaga oo leh 46 dhibic

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor