Dowladda Itoobiya oo u yeertay Madaxweynayaasha Puntland iyo Soomaaliland

Warar ay heshay Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Dowladd Itoobiya ay u yeertay labada Madaxweyne ee Maamulada Puntland iyo Soomaaliland ee Cabduweli Maxamed Cali Gaas iyo Muuse Biixi Cabdi.

Xogaha ay Dalsan heshay ayaa waxa ay sheegayaan in Itoobiya ay Puntland iyo Soomaaliland Madaxdooda kala hadleyso xiisada ka soo cusboonaatay deegaanada Gobolka Sool.

Dowladda Itoobiya ayaa saaxiibo dhow la’ah labada Maamul,waxana shalay Adis Ababa tegay Madaxweynaha Maamulka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi halka Madaxweyne Gaas oo hadda ku sugan Dhuusa Mareeb uu dhawan tegi doono.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media