Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Iiraan, Bahram Qaasimi ayaa hadalkaasi ku shjeegay mar uu Suxufiyiinta kula hadlay Caasimadda dalkaasi ee Tehraan.
Waxa uu sheegay inay socdaan Dadaal Diplomaasiyadeed oo lagu doonayo in lagu soo daayo 23 Kalluumeysato Iiraaniyiin iyo Doonidooda oo ay Burcad-baddeed ku haystaan gudaha dalka Somalia.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay socdaan dhaqdhaqaaqyo Diplomaasiyadeed, balse aan Saxafadda loo soo bandhigi doono heerka uu marayo Dadaalkaasi lagu soo dayn doono Kalluumeysatada Iiraan ee lagu haysto gudaha Somalia.
Dhinaca kale, Afhayeenka waxa uu qiray inaysan xirrir la samaynin Dowladda Somalia, maadaama uusan jirin wax Xiriir Diplomaasiyadeed oo ka dhexeeya Labada Waddan.
Wuxuuna taasi bedelkeeda sheegay inay la kaashan doonaan Hay’addaha Caalamiga, iyo inay si toos ah ula xiriirayaan Burcad-baddeeda si waanwaan looga galo Dadaalka lagu doonayo in lagu sii daayo 23-ka Kalluumeysatada Iiraan oo horey looga qafaashay Xeebaha Somalia.
©Radio Dalsan