Madaxa Dowladda Iiraan ugu qaabilsan Tamarta Atoomikada, Cali Akbar Salaixi oo maanta la hadlay Suxufiyiinta ayaa sheegay inay awoodi karaan inay 20% naaxiyaan maadada Yuraaniyamka ee laga farsameeyo Habka Nukliyeerka, haddii ay dalalka Europe ee wax ka saxiixay Heshiiskii Caalamiga ku fashilmaan inay Heshiiskaasi badbaadiyaan.
Waxa uu intaasi ku daray inay Siyaasadda Iiraan tahay inay ka war sugaan dhowrka isbuuc ee soo socda, wuxuuna hoosta ka xariiqay inay jiraan dhamaan waxyaabaha suurto-galka ka dhigaya in 20% la bacramiyo Yuraaniniyamka.
Dowladda Iiraan iyo Dowladaha Quwadda leh ee Caalamka waxay sannadkii 2015-kii Heshiis ka gaareen Barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan, inkastoo uu Madaxweynaha Maraykanka dhawaan sheegay inay ka baxeen Heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka ee Iiraan.