Beesha Ciise Madoobe Murdaale oo ka mid ah Beelaha wada deggan Somaliland ayaa maanta qeylo-dhaan xooggan ka keentay 2 xubin oo laga reebay Shantii xubnood ee ay ka heleen xubnaha Beelaha Waqooyi ka heleen Kuraasta Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.
Caaqil Xersi Gaboobe oo ah Suldaanka Beesshaasi waxa uu ku eedeeyey Dowladda Federalka inay faragelin ku hayaan Danaha Beeshiisa, isla markaana ay 2-kursi si cad uga reebeen 5-ta Kursi ee ay ka heleen Aqalka Hoose.
Isagoo ka hadlayey Shir ay Siyaasiyiinta, Waxgaradka iyo Ururadda Bulshadda ee Beeshaasi ku yeesheen magaalladfda Muqdisho ayaa waxa uu carrabka ku dhuftay inuu Madaxweyne Xasan Sheekh si toos ah uga mas’uul yahay xubnaha laga jaray Kuraasta Beesha, waa sida uu hadalka u yiri.
“Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu faragelin ku hayaa Danaha Beesha, wuxuuna si cad u jaray 2-Kursi oo uu siiyey dad isaga daacad u ah” ayuu yiri Suldaan Gaboobe.
Wuxuuna ugu baaqay QM, Midowga Afrika, Midowga Europe, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo IGAD inay soo farageliyaan Cabashadooda, isla markaana ay Dowladda Federalka joojiso Faragelinta Danaha Beesha Ciise Madoobe.
Dhinaca kale, Murashax Zakariye Mahdi Cabdi oo ka mid ah Murashixiinta la sheegay in xubnahooda dad kale lagu wareejiyey ayaa ka hadlay Shirkaasi, wuxuuna sheegay in Saqdii dhexe ee xalay Farriin SMS ka helay Madaxtooyadda, laguna wargeliyey inuusan tartami doonin, waa sida uu hadalka u dhigay.
Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federalka weli kama aysan jawaabin dacwadda ka soo yeertay Hoggaamiye-dhaqameedkaasi ka soo jeeda Beelaha wada deggan Goballdda Waqooyi ee Somalia, mana aha markii ugu horreysay oo Dowladda Federalka lagu eedeeyey arrimhaasi oo kale.
©Radio Dalsan