War-saxaafadeed ay si wadajir u soo saareen QM, Midwoga Afrika, Midowga Europe, IGAD, Dowladaha Belgium, Talyaaniga, Holland, Sweden, Britain iyo Maraykanka waxay aad uga walaaceen tiro ka mid ah Go’aanadda ay Hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka ku muujiyeen War-murtiyeedkii ay soo saareen bishan December 24-dii ee sannadkan 2016-ka.
War-saxaafadeedka Dowladdaha iyo Hay’addaha Caalamiga ee daneeya Arrimaha Somalia ayaa lagu sheegay in Dhaarinta Xildhibaanadda Barlamaanka ee maanta socota muujinayso tallaabo horey loogu qaaday Nidaamka Doorashadda.
Beesha Caalamka waxay rajo ka muujiyeen in la arko Geeddi-socodka Doorashadda oo horey u sii socda, iyadoo la samaynayo 54-ka Kursi ee Aqalka Sare iyadoo la waafajinayo Dastuurka KMG.
War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu muujiyey in Kordhinta tirada Aqalka Sare ee Barlamaanka in laga fekeri karo oo keliya marka Doorashadda madaxtinimadda la qabto, lana xaqiijiyo iyadoo loo marayo Nidaamka Dastuurka wanaagsan.
Beesha Caalamka waxay garwaaqsan yihiin in War-murtiyeedka Hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka soo saareen bishan December 26-dii ee lagu xushay 5 Kursi oo Aqalka Hoose ee Barlamaanka dib loogu soo dooran doono.
Balse tani waxay fashilinaysaa tirada kale ee Kiisaska tacadiga ee Hannaanka Doorashadda oo ay ku jiraan Qoondada Kuraasta MurashixiintaHaweenka oo ay ugu dambeyntii qaateen Murashixiinta Ragga.
War-saxaafadeedka Dowladdaha iyo Hay’addaha Caalamiga ee daneeya Arrimaha Somalia waxaa kaloo lagu xusay go’aanka Hoggaamiyayaasha Madasha Qaranka ee ay kansal gareeyaan dhamaan Murashixiinta ay Guddiga Doorashadda ku eedeeyeen xad-gudubyo isugu jira cabsi-gelin, Handadaad, Musuqa iyo Is-dabamarin.
Waxay kaloo jebinaysaa Bllan-qaadkii adkaa ee Dolwadda Federalka ee lagu xushmeynayo Ku-dhaqanka Shareecadda.
Dhinaca kale, War-saxaafadeedka Beesha Caalamka waxay ugu baaqeen Barlamaanka Federalka inay sida ugu suurt-galsan u qabtaan Xilliga lagu soo dhamaystirayo Geeddi-socodka, si loo doorto Guddoomiyayaasha iyo Ku-xigeenadda Guddoonka Cusub ee Barlamaanka Federalka
Jadwalkaasi waa in si adag loo dhaqan hgeliyaa, si looga hor tago Dib-u-dhac kale oo ku yimaada Nidaamka Doorashadda, loona baahan yahay in la soo gebagebeeyo qorshaha ka hor Shirka soo socda ee xubnaha Golaha Ammaanka ee QM uga hadli doonaan Arrimaha Somalia ee la qorsheeyey inuu dhaco bisha January 19-da ee sannadka soo socda ee 2017-ka.
©Radio Dalsan