Dowladda Federalka oo cambaareysay falkii Argagixisadda ee lagu dilay Xeer-ilaaliyihii Guud ee dalka Masar

Danjiraha Joogtadda ee Somalia uga wakiilka ah Xarunta dhexe ee Ururka Jamaacadda Carabta, Ambassador Abdullahi Hassan Mohamed ayaa hadalkaasi ka sheegay Shirkii Degdegga ee ay Wakiilladda Joogtadda ee Dowladaha Carabta shalay ku yeesheen magaalladda Qaahira.

Ambassador Abdullahi Hassan Mohamed waaxa uu sheegay inay Dowladda Federalka Somalia si kulul u cambaareynayaan falkii qaraxa ee shalay lagu dilay Xeer Ilaaliyihii Guud ee Qaranka Masar, Barakaat Hishaam.

Sidoo kale, Wakiilladda Joogtadda ee Dowladaha Algeria, Morooko, Imaaraadka, Kuwayt iyo Urdun u jooga Xarunta Jaamacadda Carabta ayaa iyagana cambaareeyey falkii Argagixisadda ee lagu dilay Xeer Ilaaliyihii Guud ee dalka Masar, Barakaat Hishaam.

Dhinaca kale, Dowladaha ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta ayaa ballan-qaaday inay Dowladaha Somalia, Tunisia iyo Kuweyt taageero ka siiyaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Kooxihii weeraradda iyo qaraxyadda ka geystay dalalkaasi maalintii Jimcaha ee la soo dhaafay.

© Warqabadka Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor