Dowladda Britain oo ku amartay in ay ka soo tagaan muwaadiniinta ka jooga deegaanada Soomaaliland

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain (The Foreign and Commonwealth Office (FCO) waxaa looga digay Muwaadiniinta UK ee Fasax ku tagaya dalalka Caalamka inay ka feejignaadaan inay booqdaan dalal ay ka mid yihiin, Somalia, Ethiopia, Kenya, Djibouti, Masar, Sudan, Imaaraadka, Yemen iyo kuwo kale.

Shabakadda Khaaska ee Waaxda Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka dalka Britain ee FCOayaa lagu shaaciyey inay Muwaadiniinta Britaian kala kulmaan qeybo ka mid ah dalalka laga digay inay booqdaan  khatar dhinaca Ammaanka, falal dhac, Afduub iyo Argagixiso, waa sida hadalka loo dhigay.

Qoraalka Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaq-sooranka ee Britain waxa uu ka digay dhamaan Socdaalka lagu tegayo Somalia, oo ay ku jirto Somaliland.

“Muwaadin kasta oo British ah ee ku sugan Hargeysa ama Berbera ee uusan Safarkiisa muhiim ahayn waa inay isaga soo tagaan” ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Sidoo kale, Hadal-qoraal oo ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa-sooranka ee dalka Britain  (FCO) waxaa lagu sheegay inay cabsi sare ka jirto Somalia, isla markaana ay jiraan waxa loogu yeeray qorshe weeraro Argagixiso oo ka dhan ah Reer Galbeedka ku sugan Muqdisho, Somaliland iyo qeybaha kale ee Somalia

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media