Dowladda Britain oo dhaqaale horleh u ballan qaaday AMISOM

Ra’iisal wasaarha Ingiriiska Theresa May oo maalmahan socdaal ku maraysay dalal Afrikaan ah ayaa maanta kulan kula yeelatay magaalada Nairobi madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, halkaas oo ay socdaalkeedii saddexda maalmood ahaa ee Afrika ku soo gabagabaynayso.

May oo kulankaas ka dib hadashay ayaa tiri

UK ayaa hadda ah dalka maalgashiga u badan ku sameeya Kenya, waxaana todobaadkan soo bandhigay qoyshaheenna ku aaddan sidii aan ku noqon lahayn dalka ugu horreeya waddamada G7 ee maalgashiga u badan ku sameeya qaaradda Afrika marka laga gaaro sannadka 2022. Xilli ay Britain isu diyaarinayso inay ka baxdo Midowga Yurub, ayaa waxaa naga go’an inaan xaqiijino in si habsami leh uu u socdo ganacsiga ka dhexeeya labadeenna dal, anagoo ganacsigeenna xooggan asaas uga dhigayno si aan fursado kale ugu helno shirkadaheenna iyo dadkeenna.

Dhanka kalana waxay xukuumadda labada dal kala saxiixan doonaan heshiis u fududayn doona in Kenya ay dib u soo ceshato hantida dawladda lagaga xaday musuqumaasuqa.

Uhuru Kenyatta oo faahfaahin ka bixinaya arrimaha kale ee masuuliyiintu ay isla soo qaadeen ayaa yiri

Waxaan aragnay inay hoos u dhacday khatarta gobolkeeda nugul uga imanaysa argagaxisada. Waxaan soo dhaweneynaa ballan qaadka UK ee ah inay taageerayso howlgalka muhiimka ah ee AMISOM, dalalka kale ee caalamkana waxaan ugu baaqaynaa inay sidaa oo kale sameeyana. Dhanka kale waxaan fursadan uga faa’iideysanayaa inaan ugu baaqo maalgashatada Britain inay ka faa’iideysataan mashaariicda waaweyn ee afarta ah ee hormarinta dalkeena, ayadoo maanka lagu hayo in maalgashi kasta oo dalkan lagu sameeyo ay hubaal tahay inay ka faa’iidayaan maalgashatada iyo anaguba.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor