Dowladaha Soomaaliya iyo Indonesia oo Samaysanaya iskaashi Cusub

Wasiirka Arirmaha dibadda Soomaaliya Abshir Omar Jaamca Haruuse ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Indonesia u qaabilsan Soomaaliya Danjire Dr. Mohamad Hery Saripudin.

Labada Masuul ayaa ka wada hadalay dhinacyo ay ka mid yihiin xoojinta xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dhinacyada Diblumaasiyadda, ganacsiga,  waxbarashada iyo Amniga.

“Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dhinacyada Diblumaasiyadda, ganacsiga,  waxbarashada iyo Amniga” ayuu yiri   Wasiirka Arirmaha dibadda Soomaaliya Abshir Omar Jaamca Haruuse oo Qoraal soos aaray.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa intaaa ku daray inay isla gareen muhiimadda ay leedahay abuurista fursado ganacsi oo dhex-mara ganacastada labada dal, fududaynta dalku-galka ( Visa) labada dal,  iyo in la iska taageero golayaasha caalamiga ah.

Indonesia ayaa ka mid ah dalalka xagga  warshadaha horumarka ka sameeyay, halka Soomaaliyana ay ku yaallaan goob Istiraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga qaaradda Afrika iyo dunida guud ahaan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor