Dowladaha Somalia iyo Kuwait oo ka wada hadlay Xoojinta Xiriirka labada dal

Ra’isul-wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Kuwait, Sheekh Sabaax Khaalid Alxamad Alsabaax, waxa uu xalay kulan la qaatay Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Calaamiga ee Somalia, C/salaam Omar Hadliye oo haatan ku sugan caasimadda dalkaasi ee Kuwait City.

Labada dhinac waxay ka wada hadleen xaalladda guud ee dalka Somalia iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka wax wada qabsi ee labada waddan.

Wakaalladda Wararka Kuwait ee KUNA ayaa sheegtay inay Kulankaasi ka qeyb galeen Saraakiil sarsare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo  Agaasinka Borotokoolka ee Dowladda Kuwait.

Dhinaca kale, Wasiir Hadliye iyo Wafdigiisa waxat ka qeyb galayaan Shirweynaha 42-aad ee Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee Dowladaha Islaamka (OIC), kaasi oo shalay ka furmay caasimadda dalka Kuwait ee Kuwait City.

© Dalsan Radio

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor