Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalalka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf iyo dhigiisa dalka Masar, Samiix Shukri waxay maanta ka wada hadleen Xaalladda dalalka Somalia iyo Yemen, Ammaanka Badda Cas iyo Xiriirka dalalka Jabuuti iyo Eritrea.
Labada Wasiir ayaa ku kulmay caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba, oo ay kaga qeyb galayaan Shirka Hordhaca ee loogu diyaar garoobay Shirweynaha soo socda ee Ururka Midowga Afrika ee ka furmi doona Addis Abeba.
Labada Wasiir waxay kulankooda khaaska ah la sheegay inay kaga xaajoodeen muhiimadda dhowrista Ammanka Gobalka iyo barnaamijyadda wadajirka ee Horumarinta.
Bishii December ee sannadkii hore, Dowladda Sacuudiga waxay ku dhawaaqday Koox cusub oo dalalka kaabiga ku haya Badda Cas iyo Geeska Afrika isaga kaashan doonaan sugidda Ammaanka Guud, gaar ahaan Badad Cas oo marin u ah Maraakiibta shidaalka ee ka soo gudbta Marin-biyoodka Baabul-mandab.
Isbahaysigaasi waxaa xubno ka ah dalal ay ka mid yihiin Somalia, Jabuuti, Masar, Yemen iyo Urdun.