Turkiga ayaa xirtay nin lagu eedeeyey inuu u jaajuusayey Imaaraadka Carabta, waxaa sidaas weriyey taleefishinka dowladda ee TRT World. Â Ahmed al-Astal, oo ah 45 jir Falastiini ah oo kasoo jeeda Gaza, ayaa haystay baasaboorka dalka Jordan markii loo kaxeeyey xabsi ku yaalla Turkiga.
Qoyska Astal ee Gaza ayaa 25-kii September baraha bulshada soo dhigay bayaan ay ku sheegeen in 4 maalmood ka hor xilligaas lagu afduubtay Turkiga.
Qoyska Astal waxay sheegeen inuu ahaa suxufi in ka badan 10 sano ka shaqeynayey Imaaraadka Carabta ka hor inta uusan u guurin Turkiga, halkaasi oo uu kula shaqeeyey dhowr warbaahin oo ay ku jirto wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.
Qoyska ayaa ku booriyey madaxweynaha Falastiin Mahmud Abbas inuu soo faro-geliyo arrintan, ayaga oo sheegay in xaaskiisa iyo laba gabdhood oo uu dhalay ay kaligood ku yihiin Turkiga.
Taleefishinka TRT World ayaa ilo-wareedyo Turkish ah kasoo xigtay in Astal uu Imaaraadka Carabta u jaajuusayey ururka Ikhwanul Muslimiin ee Turkiga, sidoo kalena uu waday dhaq-dhaqaaqyo kale tan iyo markii uu dalka usoo guuray 2013.