Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Taliye Cusub (Wareegto)

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Goordhow magacaabay Taliyaha Howlgelinta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Taliyaha Howlgelinta Ciidanka Daraawiishta Maamulka loogu magacaabay inuu noqdo Xasan Xared Cumar.

Wareegtada ayaa waxaa lagu xusay in magacaabista Taliye Xasan Aadan ay ku timid, kadib markii Maamulka Koonfur Galbeed uu arkay in baahi loo qabo buuxinta xilka Taliyaha oo banaanaa.

Taliyaha Cusub ee la magacaabay ayaa waxaa la faray inuu dardar-geliyo waajibaadkiisa shaqo ee loo idmaday, taas oo ah Howlgelinta Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Hoos ka Akhriso Wareegatada Magacaabista ee Lafta-gareen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media