Waxaa Maanta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug lagu wadaa inay ka dhacdo doorashada saddex kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Gaalkacyo.
Doorashada saddexda kursi oo saacadaha soo socda bilaabaneysa ayaa waxaa ku tartamaya dhowr Musharax oo loo diiwaan-geliyay inay ku tartamaan doorashada kuraastaas Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.
Kursiga Hop#069 ayaa waxaa sanadihii lasoo dhaafay ku fadhiyey Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa, waxaana la filayaa inuu isaga mar kale Maanta uu kusoo baxo doorashada kursigaas oo uu ka tanaasulay C/raxmaan Alcadaala.
Kursiga Hop#038 ayaa waxaa ku tartamaya shan Musharax oo kala ah Maxamed Cabdi Aadan (Gaboobe), Aadan Warsame Cilmi, Maxamed Cabdi Faarax, Saciid Daahir Shiiq Maxamed iyo Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan.
Kursiga Hop#095 ayaa waxaa ku tartamaya Wasiir ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa Cabdikariin Khaliif Cabdi (Dhalac) oo kursigaan ku fadhiya iyo Saddex Musharrax oo kala ah Maxamuud Kudun Xiimaa, Maxamed Saciid Faarax iyo Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud.