Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka Puntland ayaa Maanta waxaa ka dhaceysa doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddiga doorashada SEIT ee Maamulka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay soo gaba-gabeeyay diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee lixda, kuwaasi oo doorashadoodu ka dhaceyso Magaalada Garoowe.
Doorashada Kursiga tirsigiisu yahay HOP#014 ayaa waxaa ku tartamaya Musharaxiinta kala ah Cabdirisaaq Axmed Xuseen iyo Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar, kursiga HOP#192 waxaa ku tartamaya Maxamed Faarax Nuur iyo Ruweyda Maxamuud Maxamed.
Kursiga HOP#094 ayaa waxaa doorashadiisa ku tartamaya laba Musharax oo lagu kala magacaabo Sahra Cabdullaahi Cigaal iyo Fardus Maxamed Aadan, doorashada kursiga HOP#174 ayaa waxaa loo diiwaan-geliyay Leylo Cabdi Faarax iyo Khadra Axmed Maxamed.
Guddiga doorashada Puntland ayaa tartanka doorashada kursiga HOP#074 u diiwaan-geliyay Axmed Cabdiraxmaan Cilmi iyo Cabdiqani Maxamuud Maxamed, halka doorashada kursiga HOP#121 ay ku tartami doonaan Farxiya Yuusuf Cumar iyo Nimco Cumar Maxamed.