Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah lagu wadaa inay ka dhacdo Doorashada Guddoonka Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed.
Qabana-qaabada Doorashada ayaa haatan ka socota Baydhabo, waxaana xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ku tartamaya laba Musharax oo kala ah Xikldhibaan Maxamed Cabdiraxiin Nuur iyo Xildhibaan Cali Saciid Fiqi.
Sidoo kale xilka Guddoomiye ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka ayaa waxaa u tartamaya Aamina Isaaq Maxamed iyo Maxamednuur Maxamed Macalin, halka Guddoomiye ku-xieenka labaad ay u sharaxan tahay Shamso Maxamed Yaroow.
Xildhibaanada Barlamaanka Koonfur Galbeed ayaa Maanta Baydhabo ku dooran doona Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku-xigeen, waxaana socda diyaar garoow ku aadan Doorashada.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay gaar ahaan Xarunta ay dhaceyso Doorashada ayaa siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidamo ka tirsan Booliska Maamulka Koonfur iyo kuwa AMISOM ee halkaas ku sugan.