Wararka Radio Dalsan ka soo gaaraya Gobolka Bari ee deegaanada Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in diyaarado dagaal oo aan la ogeyn halka laga leeyahay ay duqeyn ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Qandala.
Dad ka mid ah kuwa ku nool Gobolka Bari ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in duqeyntaas ay ka dhacday deegaan lagu Magacaabo Dasaan oo Qandala hoostaga,isla markaana lala beegsaday fariisin ay ku lahaayeen Kooxda Daacish.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay duqeyntaas lala eegtay fariisimaha Kooxda Daacish ee aaga Qandala,welina kama hadlin Madaxda Puntland.
Wixii ku soo koredha kala socda Radiodalsan.com