Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa diyaarado dagaal ay duqeyn ka geysteen deegaano ka tirsan gobolkaasi Gedo.
Diyaaradaha ayaa dad ku sugan gobolka Gedo waxa ay sheegeen inay duqeeyeen deegan lagu Magacaabo Dhiigtaar oo u dhow tuulo Barwaaqo ee Gobolka Gedo,waxaana jira khasaaroa ka dhashay duqeyntaas.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyeen duqeyntaas,welina majirto cid xaqiijisaya khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in duqeyntaas ay geysteen diyaarado dagaal oo laga leeyahay dalka Kenya,waxaana deegaanka duqeynta ka dhacday maamula Al-Shabaab.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in dad rayid ah ay duqeyntaas waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanka Dhiigtaar ee Gobolka Gedo.