Gelinkii dambe ee Maanta ayaa markale waxaa Al-Shabaab ay toogasho ku fuliyeen Shan Nin oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen Sirdoon ama basaasiin,sida ay sheegeen.
Fagaaro ku yaalla degmada Saakow ee Gobolka Jubbada dhexe ayaa raggaas lagu toogtay,waxaana daawanayay qaar ka mid ah Shacabka degmadaas,iyo xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab.
Ragga la toogtay ayaa Al-Shabaab waxa ay ku eedeeyeen inay u Shaqeynayaan dowladaha Soomaaliya iyo kenya,waxaana Magacyadooda lagu kala sheegay.
1-Cabdishakuur Xasan Xuseen.
2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar
3-Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed
4-Maxamed Yuunus Mad Keer
5- Caliyoow Jiinoow Nuur
S ikastaba Al-Shabaab ayaa sidan oo kale waxa ay laba maalmood kahor Shan Nin ku toogteen fagaaro ku yaalla degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe,iyaga oo ku eedeeyay inay ahaayeen basaasiin ama sirdoon.