Gudoomiyaha gobalka banaadir ahna duqa muqdisho sheeikh yuusuf xuseen jimcaale oo shir gudoominayay kulanka todobadlaha ah ee maamulka gobalka aya si weyn ugu horyimid xubnaha aqalka sare loogu kordhiyay maamul gobaleedyada dalka.
Waxa uu sheegay gudoomiyuhu in taasi aani aheyn caddalad isla markaana aan gobalka banaadir lasoo hadal qaadin iskabada in ay xuno ay siiyaan hogaamiyaasha madasha wadatashiga qaran.
Warsaxafaded ka soobaxay madaxda hogamiyasha soomalida aya lagu cadeyay in dhamaan maamul gobaleedyada loogu daray min 3-dex kursi oo loogu kordhiyay aqalka sare iyada oo aan laga hadlin maqaamka muqdisho.