Dilalkan oo gaaraya laba ayaa Galabta waxa ay ka dhaceen degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,iyada oo dadkii ka dambeeyay ay baxsadeen.
Dilka koobaad ayaa waxa uu ka dhacay Agagarka daarta Seybiyaano ee degmada Hodan ee Gobolkan Banaadir,waxana la sheegay in rag hubeysan ay dileen Nin Magaciisa lagu sheegay Garaad Yaasiin.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in wiilka Agagaarka daarta Seybiyaano lagu dilay uu ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda Signjet ee daabacaadda,isa markaana raggii dilay ay ka qaateen moaile uu watay.
Dhinaca kale Xaafada suuqa Xoolaha ee degmada Hurwaa ayaa waxaa lagu dilay Nin la sheegay inuu ka mid ahaa dadka suuqa Xoolaha kaas oo Magacaciisa lagu sheegay Maxamed Xasan Raage.
Rag hubeysan ayaa la sheegay inay toogteen,kadibna ay baxsadeen.
Weli macadamdadka ka dambeeyay dilalka Galabta ka dhacay degmooyinka Hurwaa iyo Hodan oo ka tirsan Gobolkan Banaadir,waxan ay dilalkaan kusoo aadayaan xilli Ciidamo boolis ah ay xaqiijinayaan Amniga Magalada Muqdisho.