Wararka aan ka heleyno Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi Dil wadaradeed 9 Ruux oo la sheegay inay ahaayeen shacabka loogu geystay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Dilkan ayaa waxaa geystay kooxo hubeysan,kuwaasi oo ka careysnaa Dil xalay fiidkii loo geystay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugidda Galmudug,kaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Tahliil Cadceed.
Dadka la dilay oo gaaraya 9 ruux ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugnaayeen hal goob,isla markaana halmar la toogtay,waxaana sidoo kalena dhaawc loo geystay qof kale oo shacab ahaa oo la joogay.
Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in dadkaasi la dilay ay ahaayeen dhamaantood ganacsato kasoo jeeda Deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Wariyeyaal ku sugan Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinac dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in Meydadka dadkaas la geeyay Isbitaalka weyn ee ku yaalla halkaasi.
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug iyo kan Gobolka Mudug oo ay uga hadlayaan Dil wadaradeed xalay loogu geystay 9 ruux,sidoo kalena la dhaawacay qof kale oo shacab ahaa,kaasi oo ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.