Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dil barqanimadii Maanta ka dhacay gudaha Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno halkaas.
Nin ku hubeysnaa Bastoolad ayaa toogtay Nin kamid ahaa dadka xoogsatada, xili uu ku sugnaa wado ku taalla Garoowe, isla markaana xiligaas wadada ay aheyd mid uu ka jiray cariiri badan, ayna gaadiid isku xireen wadada.
Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Yaasin Aways Maxamed kana kamid ahaa dadka xoogsatada ah ee kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaa Magaalada Jawhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ninka dilka geystay lagu magacaabo Sadiiq Aw-Cali, isla markaana Maxruum Yaasin Aways uu u dilay sababo la xiriira jidka oo xirmay awgiis, isagoo falka kadib goobta ka baxsaday.
Magaalada Garoowe ee Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal, waxaana maalmihii lasoo dhaafay dadka deegaanka ay ka cabanayeen dhac ay geysanayaan rag hubeysan iyo amni darro ka jirta halkaas.