Dil ka dhacay duleedka Kismaayo iyo Faah faahin laga helayo

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa dil ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana lasoo sheegaya in dilkaasi loo gaystay Askari ka tirsan Ciidanka  Jubbaland.

Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabaa Maxamed Nuur Xaashi oo ahaa Askari ka tirsanaa Ciidanka Booliska Magaalada Kismaayo.

Wararku waxaa ay sheegayaan in koox hubeysan ay dilka  fuliyeen, waxaana marxuumka la dilay uu ku sugnaa boos uu ku leeyahay duleedka Kismaayo, waxaana goobta isaga baxsaday dableeydii marxuumka dilay sida ay sheegayan wararka aan ka helayno duleedka Kismaayo.

Goobta uu dilku ka dhacay ayaa waxaa gaaray Ciidanka Ammaanka iyagoo sameeyay howlagallo ay ku baadi goobayaan dableydii falka dilka ah gaystay, iyadoo aysan jirin cid  loo soo qabtay dilkaaasi.

Dilalka loo gaysto Ciidanka iyo mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland ayaa dhawaanahaan kusoo badanayay degaanada maamulkaasi

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media