Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa Caawa agagaarka Isgoyska Maanabooliyo ku dilay Haweeyney la sheegay in ay aheyd Ganacsato.
Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in dilkan uu ka dhacay Isgoyska Maanabooliyo gaar ahaan dhinaca Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir ,isla markaana rag hubeysan ay toogteen Haweeyneyda xili halkaasi ay joogtay.
Sidoo kale waxaa la sheegay in kooxihii ka dambeeyay dilkaasi goobta ay uga baxsadeen Gaari nooca raaxada ah oo ay wateen,waxaana goobta Meydka ka qaaday Ganacsato kale oo ka agdhaweyd halka uu falka ka dhacay.
Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa sida caadada aheyd tegay halkaasi,isla markaana sameeyay baaritaano aan wax natiijo ah ka soo bixin.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa mudooyinkaan dambe ku soo batay dilalka qorsheysan oo ay geysanayaan ragga ku hubeysan Bastooladaha,waxaana Masโuuliyooda sheegtaย Al-shabaab.