Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ee Bariga iyo Bartamaha Afrika oo tababar lagu baranayo Xuquuqda Aadanaha ka furay Muqdisho.

Agaasimaha Fulinta ee  Hay’adda Difaacayaashaa Xuquuqda Aadanaha Bariga iyo Geeska Afrika (The Executive Director of the East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP), Dr. Xasan Shire Shiikh waxa uu maanta Tababar lagu baranayo Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo Ka-hortaga Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha ka furay Hotelka Saxafi ee magaalladda Muqdisho.

Tababarkaasi oo socon doona muddo 3 maalmood ayaa waxaa ka qeyb galayo  in ka badan 50-qof oo ka kala yimid Goballadda dalka iyo Dibediisa.

Seminaarkaasi  waxaa wax ka dhigi doona Khubaro ku Xeel-dheer Xuquuqda Aadanaha oo isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib.

Qoddobadda Tababarkaasi lagu baran doonaa waxay ka mid ah Fahamka Xuquuqda Aadanaha. Muhiimadda Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo Qaabka looga hortegi karo Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

Dr. Xasan Shire Shiikh oo Khabiir ku ah Difaaca Xuquuqda Aadanaha waxa uu Faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Caalamka, gaar ahaan Dalalka Bariga iyo Geeska Afrika, wuxuuna tilmaamay in loo baahan yahay in Bulshadda la baro Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo in laga taxadiro Falalka ka dhanka ah Sharafta iyo Xuquuqda Dadka kale iyo guud ahaan Bani’aadamka.

Agaasimaha Fulinta ee  Hay’adda Difaacayaashaa Xuquuqda Aadanaha Bariga iyo Geeska Afrika (The Executive Director of the East and Horn of Africa Human Rights Defenders Project (EHAHRDP),  Dr. Xasan Shire Shiikh waxa kale oo uu ka hadlay Waxqabadka  Hay’adda Difaacayaashaa Xuquuqda Aadanaha Bariga iyo Geeska Afrika oo la asaaay muddo haatan laga joogo 10-sannadood.

Waxa uu tilmaamay inay Difaacayaasha Xuquuqda Aadanaha ka hawlgalaan guud ahaan Waddamadda Qaaradda Afrika, isla markaana ay Dowladaha kala taliyaan Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo Hagaajinta Nolosha Dadka Birri-ma-geydada ah.

Dhinaca kale, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federalka, Md. C/llaahi Colaad Rooble ayaa ka hadlay Furitaanka Munaasabadda lagu baranayo Dhowrista Xuquuqda Aadanaha, wuxuuna tilmaamay inay Xukuumadda taageersan tahay in laga hortago Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha.

Wasiir-xigeenka waxa kale oo uu ka hadlay Muhiimadda ay leedahay in dadka lagu wacyi-geliyo Fahamka Dhowrista Xuquuqda Aadanaha iyo qaababka looga hortegi karo Tacadiyadda ka dhanka ah Xuquuqda Aasaasiga ee Aadanaha.

XA 8 XA 7

xa11111111 XA 5 XA 31 XA 3 XA 29 XA 28 XA 26 XA 25 XA 23 XA 22 XA 21 XA 2 XA 19 XA 18 XA 15 XA 12 XA 11 XA 001 XA 10 XA 001 XA 0003 XA 0003 XA 0002 XA 0000

© Radio Dalsan                              

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor