Qeybo ka mid ah dalkaasi waxaa maalintii 6-aad ka socda Dibadbaxyadda looga soo horjeedo qiimaha Rootiga iyo Shidaalka oo la kordhiyey.
Boliska waxay Dibadbaxayaasha u adeegsanayaan suntan dadka ka ilmeysiisa, rasaasta cinjirka iyo tubooyinka biyaha xooggan laga tuuro.
Dhinaca kale, Ururka Dhakhaatiirta ee dalkaasi waxay ku dhawaaqeen inay maanta joojinayan Shaqada, iyagoo kaga cabanaya Sicirka Rootiga iyo Shidaalka ee ay Dowladda korddhisay.
Hadal-qoraal oo ay Isbahaysiga Dhakhaatiirta dalkaasi soo saareen waxay ku sheegeen muddada uu socdo shaqo-joojintaasi inay sii wadi doonaan Hawlaha Gurmadka ee lagu daweynayo dadka ay dhibaataddu ka soo gaaraan Dibadbaxyadda.
Dhakhaatiirta waxay taageereen Dibadbaxyadda socda, waxayna ugu baaqeen Ururadda Shaqaalaha inay shaqooyinka joojiyaan maalinta Arbacadda ee soo socota.