Dibadbaxayaal ku baaqay in la baaro sabaabaha uu u geeriyooday Muwaadin Somali ku xirnaa Kanada

Dibadbaaxayaasha waxayisugu soo baxeen magaalladda Ontario ee dalka Kanada,si ay Dowladda Gobalka ku cadaadiyaan in War Rasmi ah laga bixiyo geerida Marxuum Abdirahman Ibrahim Hassan, kaasi oo bishii June 11-dii ee sannadan ku geeriyooday xilli uu ku jiray gacanta Hay’adda Adeegga Xuduudaha ee Kanada.

Marxuum Abdirahman Ibrahim Hassan waxay isaga iyoqoyskiisa tageen dalka Kanada sannadkii 1993-kii, inkastoo uusan helin Muwaadinimaddadalkaasi, sababo la xiriira xanuun dhinaca Dhimirka.

Marxuumka, waxaasanandkii 2012-kii lagu soo dembi,iyadoo xukun la’aan la hayey 4 bilood ah, kadibna waxa loo sii gudbiyey Xabsi ku yaalla magaalladda Ontario oo ku xirnaa muddo saddex sanno  oo uu ugu dambayntii uu ku dhex geeriyooday.

Dhinacakale, QM waxay dhawaan ugu baaqeen Dowladda Kanada inay wax ka bedelaan xaalladdaha ka jira Xarumaha lagu hayo Muhaajiriinta,lana xadido waqtiyadda ay dadkaasi ku jiraan Xerooyinkaasi.

 

 

 

 

 

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor