Maraykanka oo walaac ka muujiyey gaabis ku yimaada Hawlgalka ay kula dagaalamayaan Alshabaab

Qaar ka mid ah Mudanayaasha Kongareeska Maraykanka ayaa waxay walaac ka muujiyeen Qorshaha Dowladda Shiinaha ku doonayso inay Saldhig Milliteri ka samaystaan Geeska Afrika, gaar ahaan dalka Jabuuti.

Xuddunta Walaaca kongareeska ayaa ku aadan Istaraatijiyadda Hawlgalka Maraykanka ee ay kula jiraan Kooxaha Alshabaab iyo Alqaacida Gacanka Carabta.

Dowladaha Jabuuti iyo Shiinaha waxay sannadkii hore kala saxiixdeen Heshiis dhinacyada Ammaanka iyo Difaaca, wuxuuna Madaxweyne Ismail Omar Geelle ku casuumay Shiinaha inay Saldhig ka samaystaan dalkiisa.

Dhinaca kale, Madaxweyne Geelle iyo dhigiisa Maraykanka, Barack Obama waxay labo sanno ka hor Kulan ku yeesheen Aqalka Cad, waxayna isla garteen in Saldhigga Maraykanka ku leeyahay Jabuuti oo lagu magacaabo Camp Lemonnier inay ka fulin karaan Hawlgalladda Sirdoonka iyo Duqeymaha ay ka fuliyaan Somalia iyo Yemen.

Maraykanka waxay  saldhig Milliteri oo weyn ku leeyihiin Jabuuti, oo ay joogaan ku-dhawaad 4,000 oo Askari, kuwaasi oo kaalin muhiim ah ka qaata Hawlgalladda Cirka iyo Badda.

Diyaaradaha Drones-ka ee Maraykanka waxay ka soo duulaan Saldhiga ku yaalla Jabuuti, si ay u duqeeyaan Bar-tilmaameedyadda Xarakadda Alshabaab iyo inay taageero u fidiyaan Hawlgalka AMISOM kula jiraan Alshabaab.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor