Waxaa la soo weriyey inuu Dhul-gariir halbeegiisu ahaa 5 Rektar Iskeel uu fiidnimaddii xalay ku dhuftay deegaan 106 mayl dhanka W/galbeed kaga toosan Degmadda Bereeda oo u dhow Degmadda Caluula ee Gobalka Bari ee Is-maamulka Puntland.
Hay’adda Maraykanka ee Sahminta Jiyoolajiyadda ayaa sheegtay inuu Dhul-gariir ka dhacay duleedka Breeda abaarihii 07-dii iyo 12 daqiiqo iyo 24 Seken ee Fiidnimadii xalay, wuxuuna ubucda dhul-gariirka ahaa ilaa 10-KM oo xagasha Waqooyi ahayd 13.3039 Digirii iyo fogaanshaha 50.449 digirii ee cabirka masaafadda u dhexeysa Bariga Cirifka Waqooyi ilaa Cirka Koonfureed.
Si kastaba haa ahaatee, Dhul-gariirka xalay ka dhacay duleedka Degmadda Breeda ayaa la sheegay inuu ahaa mid qafiif ah, lamana soo sheegin khasaaro soo gaaray dadka ku nool Deegaankaasi.