Boliska Britain waxay sheegeen inay 3 qof ku qabteen Garoonka Diyaaradaha ee Heathrow Airport ee magaalladda London, kuwaasi oo lala xiriirinayo dilkii Marxuum Fahad Maxamed Nuur, kaasi oo Axadii la soo dhaafay lagu dilay meel ku dhow saldhigga laga raaco Tareenadda ee Cathays Railway Station ee bartamaha caasimadda Gobalka Wales ee Cardiff.
Dadka la xiray ayaa kala ahaa 2 nin oo ka yimid magaalladda Cardiff, kuwaasi oo da’dooda kala tahay 22 iyo 24 jir oo lagu tuhmayo dilka Ninka Soomaaliga iyo Haweeney 34-jir oo ka timid magaalladda Birmingham, taasi oo lagu tuhunsan yahay inay taageero ka geysatay dilkaasi.
Eedeysanayaasha waxaa loo gudbiyey magaalladda Cardiff si uu baaritaano loogu sameeyo, waxna laga weydiiyo doorkii ay ku lahaayeen dilka Marxuum Fahad Maxamed Nuur.
Boliska waxay sii daayeen 2 dhallinyaro oo da’dooda kala tahay 18 iyo 19-jir, oo la xiray habeenkii Axadda ee la soo dhaafay, balse la sii daayey, iyadoo aan wax dacwado ah lagu soo oogin.
Qoyska Marxuumka waxaa la sheegay in si joogto ah loogu gudbinayo hadba heerka uu marayo baaritaanka Kiiska dilka, iyadoo Boliska Koonfurta Wales uga maahad celiyeen Mujtamaca taageeradooda iyo warbixinta ay horey ugu soo gudbiyeen.
Boliska ku takhasusay baaritaanka Dembiyadda waxay ku raad-joogaan 2 nin oo muuqaalkooda laga arkay Kaameeradda Qarsoon ee CCTV, kuwaasi oo ay Kaameerooyinka qabteen iyagoo ordayey, xilligii Marxuumka sida xun loogu dhaawacay goobtaasi.
Marxuum Fahad Maxamed Nuur oo 18-jir ahaa waxa uu u geeriyooday dhaawacii tooreyda ee loo geystay, isla markii la geeyey Isbitaalka Jamaacadda Wales ee magaalladda Cardiff.