Wargeyska Arab News ee ka soo baxa dalka Sacuudiga ayaa sheegay inay Ciiddanka Badda ee Sacuudiga u diyaar garoobayaan Dhoolatus Milliteri oo bilowga isbuuca soo socda ka dhici doona Badda Cas.
Dhoolatuskaasi oo loogu magac daray:Â Hirarka Cas ee 1 ama (Red Wave 1) ayaa waxaa ka qeyb geli doona Ciiddamo ka kala socda dalalka kaabiga ku haya Badda Cas, oo ay ku jiraan dalalka Masar, Sudan, Sacuudiga, Urdun, Jabuuti iyo Yemen.
Wargeyska waxa kale oo uu qoray inay Goobjoogayaal ka socda Ciiddanka Badda ee Reer Galbeedka ee ku sugan Xeebaha Somalia
Taliyaha Ciiddanka Badda ee dalka Sacuudiga, Jeneral Fahad Bin C/llaahi Al-qufayli waxa uu sheegay in Dhoolatuskaasi looga dan leeyhaay sidii lagu xoojin lahaa Ammanka Badda ee dalalka kaabiga ku haya Badda Cas iyo sidii loo xoojin laha Iskaashiga Milliteri iyo Is-dhaafsiga Khibradaha Ciiddan ee Ka-qeybgalayaasha Dhoolatuska loogu magac daray Red Wave 1