Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Shil ay dhalinyaro Soomaaliyeed ku galeen Koofur Afrika

Faah faahinno dheeraad ah ayaa laga helayaa Dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhalinyaro Soomaaliyeed, kadib markii gaari ay wateen uu shil ku galay dalka Koofur Afrika.

Shilkaasi oo ka dhacay wadada isku xirta deeganada Stilfontein iyo klerksdorp ee gobolka North West ee dalka Koofur Afrika ayaa waxaa wararku ay sheegayaan in Muwaadin Soomaaliyeed uu ku dhintay, halka tiro kalena ay kud haawacmeen.

Alle ha u Naxariistee Muwaadinkaasi Soomaaliyeed ayaa lagu magacaabi jiray Farah Arab abdi, waxaana dhalinyarada kale ee ku dhaawacmay Shilkaasi magacyadooda lagu kala sheegay Awil abdi ashikir, Abdullahi Muse Yusuf, Mohamad mohidin iyo  Abdullqadir Shuke.

Ka hor shilka dhalinyarada ayaa farxadooda ciida ku qaatay magalada Johannesburg waxaana ay shilka gaariga ay galeen markii ay u safrayeen magalada Rustenburg ee gobolka North West.

Dhaawacyadii soo gaaray dhalinyarada ayaa waxaa lagula tacaalaa Isbitaalka Klerksdrop.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor