(DHGEEYSO):- Dowladda Soomaaliya:- “Waa Sharci Darro Heshiiska Soomaaliland Iyo Imaaraadku ay Galeen”

Dowladda federaalka soomaaliya ayaa ka hortimid heeshiiska uu maamulka soomaaliland dhawaan lagalay dowlada imaaraadka carabta ee ku aadanaa ogolaanshaha saldhig milatari ay ka sameysaneyso magaalada Berbera dowladda imaaraadka waxaana heshiiskaasi dowlada federaalku ay ku tilmaamtay sharci darro.

Hanti dhowraha qaranka Dr Nuur Jimcaale Faarax oo la hadlay laanta af-ka soomaaliga ee VOA-da aya kawaramay heeshiiskaasi waxaana uu sheegay inuu soo bilaawaday sanadkii hore balse madaxda maamulka soomaaliland ay ku saxiixeen toddobaadkaan sifo aan ku fadhin wax shraci ah waxaana uu ka horyimid gabi ahaan heshiiskaas oo uu sheegay inuu  yahay qalad islamarkaana shaqsiyaad gaar ah ay saxiixeen oo danahooda ku wada heshiiska oo an fiirin buu yiri danta dadka iyo Dalka.

Halkaan Hoose Ka Dhageeyso Cod-ka Hanti Dhowraha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media